Daacish oo sheegatay qarax ka dhacay Afghanistan

Image

KABUL - Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay magaalada Kabul, ee caasimadda dalka Afghanistan.

Qaraxan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta Hay'adda Sirdoonka Afghanistan ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo dilay uguu yaraan 5 qof.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xooggan oo burbur gaarsiiyay dhisamaha ciidamada Sirdoonka, oo ku taalla goob si weyn amnigeeda loo ilaaliyo.

Dowladda Afghanistan ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo sheegtay in dhacdooyinka noocan ah aan waxba u dhimaynin dagaalka ay kula jirto kooxaha minditiinta.

Bishii May ee sanadkan, qarax ka dhacay meel ay degan yihiin diblumaasiyiinta reer galbeedka gudaha magaalada Kabul ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 150 qof.

Dalka Afghanistaan waxaa ka dhacaya weeraro u badan qaraxyo oo ay fulinayaan Taliban iyo Daacish, kuwaasi oo dagaal kula jira ciidamada NATO iyo kuwa dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis kalluumeysi

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in hawlaha kalluumeysiga ee Soomaaliya lagu fuliyo nidaam dhexe, waara oo si buuxda loo diiwaangeliyay.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 01:55PM

Soomaaliya: Muxuu Farmaajo uga qeybgali waayay shirka Kismaayo?

Farmaajo waa la soo dhaweynayaa inuu ka soo qayb galo, laakiin ma aha qayb ka mid ah madasha qabanqaabisa shirka.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 09:43AM