Daacish oo sheegatay qarax ka dhacay Afghanistan

Image

KABUL - Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay magaalada Kabul, ee caasimadda dalka Afghanistan.

Qaraxan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn xarunta Hay'adda Sirdoonka Afghanistan ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo dilay uguu yaraan 5 qof.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xooggan oo burbur gaarsiiyay dhisamaha ciidamada Sirdoonka, oo ku taalla goob si weyn amnigeeda loo ilaaliyo.

Dowladda Afghanistan ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo sheegtay in dhacdooyinka noocan ah aan waxba u dhimaynin dagaalka ay kula jirto kooxaha minditiinta.

Bishii May ee sanadkan, qarax ka dhacay meel ay degan yihiin diblumaasiyiinta reer galbeedka gudaha magaalada Kabul ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 150 qof.

Dalka Afghanistaan waxaa ka dhacaya weeraro u badan qaraxyo oo ay fulinayaan Taliban iyo Daacish, kuwaasi oo dagaal kula jira ciidamada NATO iyo kuwa dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM