Daadad xoog leh oo ku soo rogmaday dadka ku dhaqan degmada Berdaale

Image

BERDAALE, Soomaaliya - Roobab Xooggan oo saacadihhii la soo dhaafey ka da'ay degmada Berdaale ayaa sababay in Daadad xoog leh ay soo galaan gudaha magaalada, taas oo keentay inay barakacaaan inta badan dadkii degmadaas daganaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaaladda ayaa ka sii daraysa marba marka ka dembaysa. Waxaana ka maqan degmada Bardaale ee gobolka Bay adeegii bulshada sida korantadii iyo isku socodkii gadiidka.

Sidoo kale daadadku waxay xireen Goobihii Ganacsiga ee shacabku adeegsan lahaayeen, taas oo sii adkeysay daruufaha ay ku noolyiihiin inta wali ku sugan magaalada.

Maamulka Bardaale ayaa ku baaqay in gurmad xoog leh lala soo gaaro shacabka ay biyuhu ka barakiciyeen Guryahoodii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM