Daafaca xulka Soomaaliya oo tahriib ka doortay matalaadda Qaranka

Image

TUNIS (GO) - Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ciyaartoyga Difaaca Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Horseed Mohamud Ali (Etop) uu ka baxsaday Xerada Tababarka ee xulka ku lahaa dalka Tunisia.

Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in difaaca uu doonayay inuu si sharci darro ah ku galo dalalka Yurub, taasoo saameyn ku yeelan karta sumcadda dalka ee dibadda.

Tunisia ayaa qaddar saac ah u jirta dalka Talyaaniga oo ah dalka Yurub ee ugu dhow, waana dal ay inta badan dadka tahriibayaasha ah si fudud ku geli karin.

Docda kale, Wafdiga xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta gaaray dalka Algeria iyaga oo la ciyaari doona dhiggooda Algeria lix iyo tobanka bishan.

Waxaana xusid mudan in xulka Eritrea uu isaga haray isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026-ka, kaddib markii ay ka baqeen in ciyaartoygoodu u baxsadaan dalal shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM