Dad ku dhaawacmay gaari lagu xiray walxaha qarxa

Image

10 January, 2016(GO)-Ugu yaraan labo ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay kadib qarax lagu xiray gaari nooca raaxada oo uu watay nin la sheegay inuu kashaqeeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalada Muqdishu xarunta Somalia kaasoo magaciisa lagu koobay Jaarlas.

Darawalka gaariga ayaa shilkaas kabadbaada isagoo kadagtay qarax kahor, wuxuuna qaba dhawac fudud.

Majirto faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxaysa garaxa gaarigan, balse ciidamada amniga Muqdishu ayaa goobta gaaray iyagoo wada baaritaan arrintaasi ku aaddan.

Weerarka ayaa kadhacay degmada Shibis gaar ahaan isgoyska Maano-booliyo, wuxuuna qaraxan daba joogaa weeraro caado kanoqday magalada Muqdishu.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata qaraxyada Muqdishu balse macadda weerarkan cidda gaysatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM