Dad ku dhintay qarax ka dhacay magalada Muqdishu

Image

02 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Muqdishu xarunta Somalia ayaa sheegaya inay dhinteen labo ruux kadib weerar lagu qaaday maqaaxida the Village agagaarka guriga hooyooyinka magalada Xamar.

Shakhsi la tuhunsanyahay inuu katirsanyahay ururka Al-Shabaab oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku miidaamiyay meheradda oo la sheegay inay fadhiyeen Wariyaal iyo saraakiil katirsan dowladda, waxaana shakhsiyaad weerarka ka bad baaday shaaciyeen inay ka baxsadeen goobta kadib markii ay ka shakiyeen ruuxa isqaxiyay.

Labada qof ee dhintay waxaa ku jira ruuxa ismiidaamiyay, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan dadka ku dhaawacmay, iyadoo saraakiisha amniga sheegayaan dhawaca labo ruux, halka warar madax banaan tibaaxayaan dhaawaca Afar qof.

Bur-bur xooggan ayaa soo gaaray goobta la weeraray, waxayna noqonaysaa markii saddexaad oo ururka Al-Shabaab beegsadaan the Village.

Majirto cid sheegatay weerarka maanta, balse dowladda iyo shacab ka agdhawaa goobta ayaa ku tuhmaya qofka gaystay weerarka inuu xiriir la leeyahay Shabaab.

Ciidamo katirsan kuwa amniga Muqdishu ayaa tagay goobta, waxaana socda baaritaanno ku aaddan qaabka wax u dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM

Weeraro ka dhici lahaa Muqdisho oo laga hortagay

NISA waxay sheegtay in dadka la xiray loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:19AM