Dad ku dhintay qarax ka dhacay magalada Muqdishu

Image

02 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Muqdishu xarunta Somalia ayaa sheegaya inay dhinteen labo ruux kadib weerar lagu qaaday maqaaxida the Village agagaarka guriga hooyooyinka magalada Xamar.

Shakhsi la tuhunsanyahay inuu katirsanyahay ururka Al-Shabaab oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku miidaamiyay meheradda oo la sheegay inay fadhiyeen Wariyaal iyo saraakiil katirsan dowladda, waxaana shakhsiyaad weerarka ka bad baaday shaaciyeen inay ka baxsadeen goobta kadib markii ay ka shakiyeen ruuxa isqaxiyay.

Labada qof ee dhintay waxaa ku jira ruuxa ismiidaamiyay, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan dadka ku dhaawacmay, iyadoo saraakiisha amniga sheegayaan dhawaca labo ruux, halka warar madax banaan tibaaxayaan dhaawaca Afar qof.

Bur-bur xooggan ayaa soo gaaray goobta la weeraray, waxayna noqonaysaa markii saddexaad oo ururka Al-Shabaab beegsadaan the Village.

Majirto cid sheegatay weerarka maanta, balse dowladda iyo shacab ka agdhawaa goobta ayaa ku tuhmaya qofka gaystay weerarka inuu xiriir la leeyahay Shabaab.

Ciidamo katirsan kuwa amniga Muqdishu ayaa tagay goobta, waxaana socda baaritaanno ku aaddan qaabka wax u dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM