​Dad lagu laayay gobolka Shabeellaha hoose

Image

MARKA, Somalia- Ilaa lix qof oo rayid ah ayaa la dilay, dhawr ruux oo kalena waa la afduubtay kadib markii mallayshiyo hubaysan xalay soo gaareen deegaanka Buulo Xaashi oo ilaa 2KM ujirta deegaanka Numebr 50 ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka dilkaasi loo gaystay ayaa kamid ahaa shacabka deegaanka weerarku ka dhacay.

Mallayshiyada falkaasi gaysatay ayaa goobta isaga baxday iyagoo horay usii kaxaystay dad kale oo ilaa hadda la aqoon halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dhacdadan, ayaa dadka deegaanku sheegayaan inay la xiriirto aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagnaa gobolka.

Goob jooge la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ku waramay in kooxda weerarka soo qaaday ay goobta isaga baxeen, balse ma aysan sheegin tiradooda iyo halka ay ka yimaadeen.

"Dhacadadan, waxay ka dhacay deegaanka Buulo Xaashi oo ilaa 2KM u jira Number 50, waxaana lagu dilay 6 ruux, kooxdii dadkaasi laysay goobta way isaga baxeen... Arrintan waxay la xiriirtaa aano qabiil oo ka bilaabatay magaalada Marka, waxayna ku fiday deegaano katirsan gobolka Shabeellaha hoose,"Ayuu yiri goob jooge la hadlayay warbahinta gudaha oo magaciisa qariyay.

Majirto cid ka hadashay dhacadadan, balse goob joogayaal ayaa kusoo waramaya inay dhacdooyinkan kusoo noq noqdeen gobolka islamarkaana maalinba maalinta ka dambaysa kadii darayaan iyadoo xukuumadda Soomaliya wax tallaabo ah ka qaadin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM