Dad loo qabtey dilka Mas'uul katirsan maamulka Wanlaweyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka degmada Wanlaweyn ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaad looga shakisan yahay inay mas'uul ka yihiin dilka Kaaliyihii Maxkamadda degmadaasi Maxamed Jacfar Axmed.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in lasoo qabtey labo ruux, kadib baaritaanno socday tan iyo shalay kaasi oo logu baadi-goobayay cida ka dambaysa falkii lagu qaarijiyay Maxamed Jacfar habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Wararka uu Warsidaha Garowe Online ka helayo Illo-wareedyo ku sugan degmada ayaa sheegaya in labada ruux ee gacanta lagu dhigay laga dabagalay Taleefoon ay ka soo waceen Kaaliyaha ka hor dilka isla markaana la aqoonsaday.

Kuwa lasoo qabtey ayaa waxaa hadda su'aalo dheeri ah lagu waydiinayaa saldhiga Booliska degmada, waxaana lagu wadaa in dhawaan lasoo taago maxkamad, si loogu qaado xukun ku aadan dilka ay marxuum Maxamed Jacfar u geesteen.

Degmada Wanwalweyn, oo qiyaastii 90Km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho waxaa la degay falal amni darro, oo ay kamid yihiin dilalka iyo weeraro Al Shabaab mararka qaar kusoo qaado, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada DFS iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM