​Dad loo soo qabtay qarax ka dhacay Afgooye

Image

AFGOOYE- Maamulka degmada Afgooye gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen saddex ruux oo looga shakisanyahay qarax ka dhacay maanta suuq ku yaalla degmadaas oo inta badan isugu yimaadan ciidamo katirsan dowladda Somalia.

Qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay sideed ruux oo afar kamid ah yihiin ciidanka dowladda, halka inta kale shacab yihiin, waxaana qaraxaasi ahaa miino dhulka la galiyay oo ah nooca meelaha fog laga hago.

Tacshiirad weerarka ka dib fureen waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad suuqa ku sugnaa.

Dadka lasoo qabtay waxaa ku jira mulkiilaha dukaan ku yaallay nawaaxiga goobta garaxu ka dhacay, waxaana la sheegay in looga shakisanyahay miinadan dhulka lagu aasay.

Xaaladda degmada Afgooye ayaa weerar ka dib ahayd mid dagan, waxaana falkaasi lagu eedeeyay ururka Shabaab oo inta badan bartilmaameed ka dhigta dowladda iyo goobaha kusuganyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM