Dadweyne ka mudaharaadey cunta la'aan ka jirta Buulobarde

Image

BUULOBARDE [ Garowe Online]- Boqlaal dadweyne ah ayaa ku mudaharaadey degmada Buulobarde oo ka tirsan gobolka Hiraan kadib markii cunaqabateyn dhinaca cuntada ah ay ku soo rogtey kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Somalia ayaa korka ka eeganyey isu-soo baxaan oo aha mid si nabad ah ku dhacayey.

Isu soo baxayaasha ayaa ku qaylinayey iney u baahan yihiin tageero deg deg ah kadib markii kooxda Al-shabaab wadooyinka ka xirtey iney soo gudbaan dhamaan gadiidka sida raashinka iyo daawooyin.

Nin magaciisa ku soo koobey Cabdiladiif ayaa u sheegey saxaafada in waxyaabaha muhiimka ah sida Daawada ciidamada AMISOM iyo shacabka diyaardo uga soo qaadaan magaalada Muqdishu.

Qiimaha Burka, Bariiska iyo Sonkorta waxaa ay kor u dhaafeen kiishkii Hal milyan oo Shilin Somali ah iyadoo baahi deg deg ah ka jirta magaaladaas, ayu yiri Cabdiladiif isaga oo la hadlaya saxaafada.

Ciidamada ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale ka cabanaya mushahar la'aan bilhii la soo dhaafey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowlad Dhiskii Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur

Marka laga eego gudaha Mareykanka, waxaa jira aragtiyo cusub oo sheegaya in Somaliland….

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 07:26AM

Mogadishu oo halis ku jirta iyadoo Al-Shabaab ay dhul horleh la wareegayso

Warbixinta ay soo saartay The Soufan Center ayaa muujisay in Al-Shabaab…

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:10PM