Dagaal culus oo ka dhacay Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana sababay khasaarooyin kala duwan ayaa caawa ka dhacay degmada Jowhar, ee xarunta KMG maamulka HirShabelle.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Saraakiisha degmada ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ay kala shakiyeen Ciidamo katirsan Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka uu tababaray ee loo yaqaano "Bancraft."

Dagaalka oo mudo daqiiqado ah socday ayaa xooggiisa waxa uu ka dhacay Xaafada Xaansholey ee ku taalla duleedka Jowhar, kaasi oo billowday markii Ciidamada Bancraft ay rasaas ku fureen Ciidamo Milateri ah oo ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku geeriyootay dagaalka, ugu yaraan shan kalena way ku dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay Isbitaalkia guud ee degmada Jowhar.

Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa kala dhexgalay labada Ciidan, waxaana ay wadaan dedaallo lagu qaboojinayo xaaladda ka dhalatay iska-hor-imaadka dhiiga ku daatay.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa dhawaan ka digay sii socoshada isku dhaca Ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo mudooyinkii ugu dambeeyay soo kordhayay, isagoo Taliye-yaasha ugu baaqay inay arintaasi kahor tagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM