​Dagaal culus oo ka socda Baladweyne

Image

BALADWEYNE- Dhawaqa raasta ka dhacda qoryaha waaweyn ayaa caawa laga maqlayaa guud ahaan magalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana xabadahaasi isweydaarsanaya mallayshiyo beeleed dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay dagaallamayay.

Goob joogayaal ku sugan nawaaxiga dagaalka ayaa sheegaya in xaaladdu ka badalantahay sidii hore islamarkaana uu socdo dagaal ka xooggan kuwii dhacayay saddexdii bari ee lasoo dhaafay.

Xaaladda magalada ayaa cakiran, waxaana shacabka go'doon galiyay iska hor-imaadka labadaas beel oo wada daga xaafadda Howl-wadaag iyo fatahaad uu sameeyay wabiga dhexmara magalada.

Dadaallo ay sameeyeen ciidamada AMISOM, ayaa fashil kusoo dhammaaday, waxaana isa soo taraya gurmadyada ay helayaan labada garab ee isugu jira saanadda iyo ciidamada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa iyaguna si cad u sheegay inaysan lahayn awood ay ku kala dhex galaan, waxana sheegeen inay jawaab ka sugayaan dowladda Somalia.

Waxgaradka Hiiraan ayaa tan iyo bilowgii colaaddan waday waan waan nabadeed, balse ma jirto cid ka hoos qaaday, waxayna arrinta Baladweyne ku sheegeen inay tahay qorshe siyaasadeed oo dowladda dhexe dabada ka riixayso.

Colaadani kuma koobna oo qura Baladweyne, balse waxay usii fiday dhanka Miyiga.

Qax iyo cabsi xooggan ayaa gobolka kasocda, mana jirto wax dadaal ah oo ka yimi dhinaca dowladda  Somalia.

Dagaalka labada dhinac ayaa la xiriirta deegaanka iyo aanooyin horay u kala gaartay, waxayna markii dambe ka kacday labo ruux oo lagu dilay goob ka baxsan magalada Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM