​Dagaal culus oo ka socda Baladweyne

Image

BALADWEYNE- Dhawaqa raasta ka dhacda qoryaha waaweyn ayaa caawa laga maqlayaa guud ahaan magalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana xabadahaasi isweydaarsanaya mallayshiyo beeleed dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay dagaallamayay.

Goob joogayaal ku sugan nawaaxiga dagaalka ayaa sheegaya in xaaladdu ka badalantahay sidii hore islamarkaana uu socdo dagaal ka xooggan kuwii dhacayay saddexdii bari ee lasoo dhaafay.

Xaaladda magalada ayaa cakiran, waxaana shacabka go'doon galiyay iska hor-imaadka labadaas beel oo wada daga xaafadda Howl-wadaag iyo fatahaad uu sameeyay wabiga dhexmara magalada.

Dadaallo ay sameeyeen ciidamada AMISOM, ayaa fashil kusoo dhammaaday, waxaana isa soo taraya gurmadyada ay helayaan labada garab ee isugu jira saanadda iyo ciidamada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa iyaguna si cad u sheegay inaysan lahayn awood ay ku kala dhex galaan, waxana sheegeen inay jawaab ka sugayaan dowladda Somalia.

Waxgaradka Hiiraan ayaa tan iyo bilowgii colaaddan waday waan waan nabadeed, balse ma jirto cid ka hoos qaaday, waxayna arrinta Baladweyne ku sheegeen inay tahay qorshe siyaasadeed oo dowladda dhexe dabada ka riixayso.

Colaadani kuma koobna oo qura Baladweyne, balse waxay usii fiday dhanka Miyiga.

Qax iyo cabsi xooggan ayaa gobolka kasocda, mana jirto wax dadaal ah oo ka yimi dhinaca dowladda  Somalia.

Dagaalka labada dhinac ayaa la xiriirta deegaanka iyo aanooyin horay u kala gaartay, waxayna markii dambe ka kacday labo ruux oo lagu dilay goob ka baxsan magalada Baladweyne.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM