​Dagaal ka dhacay Awdheegle Shabeellaha hoose

Image

GAROWE- Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in xalay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha dhexe ka dhacay dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamo aysan haybtooda sheegin balse kusoo koobeen shisheeye ku hadlayay luuqad qalaad.

Dagaalkaasi, waxaa ka dhashay qasaaro kala duwan, waxayse la xaqiijiyay geerida mid kamid ah mallayshiyaadka ururkaasi.

Afhayeen lagu magacaabo Sheekh Cabdul-casiis abu Muscab, ayaa Idaacadda Andlus ee Afka Shabaab ku hadasha u sheegay inay weerar kusoo qaadeen ciidamo watay labo diyaaradood oo helicopters ah, isagoo xusay in magalada kusoo galeen lug diyaaradahana uga yimaadeen banaanka degmada.

Ciidamadan, ayaa qorshahooda lagu sheegay inay doonayeen saraakiil weerar lagu qaado Saldhig kooxdu ku leedahay Awdheegle, waxaana ka hor intuusan dagaalku dhicin baaqyo sameeyay ciidamada weerarka soo qaaday iyagoo riday dhawr Buloleer.

Iska hor imaadka ayaa socday ku dhawaad 30 daqiiqo, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan qoryaha loo yaqaan M-16 iyo bambaanooyinka ka dhaca qoriga Jebshaha Somalidu u taqaano.

Goob joogayaal ku sugan degmada ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas xooggan, waxaana goobihii lagu dagaallamay saaka lagu arkayay haraadiga xabadihii dhacay iyo dhiig.

Xaaladda magalada ayaa hadda dagan, waxaana la sheegay inay gacanta ku hayso ururka Shabaab.

Arrintan kama hadlin dowladda Somalia iyo ciidamada weerarka soo qaaday toonna, balse waxay kusoo beegantay xilli Sabtidii lasoo dhafay 150 qof katirsan Shabaab lagu dilay weerar ay fulisay diyaar ah laga leeyahay dalka Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM