Dagaal ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray labo Saldhig oo ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Degmada Hurwaa oo ku taalla Koonnfurte barri ee magaalada Muqdisho.

Labadda weerar oo dhacay wax yar kadib salaadii Maqrib ee Arbacadda, ayaa waxaa midka hore lagu qaadey Saldhiga ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA] ee ku yaalla Isgoyska SOS.

Weerarka labaad oo isana dhacay isla Saacadaasi, ayaa waxaa lagu bartilmaameedsadey fariisin kale oo ciidanka NISA ku leeyihiin nawaaxiga Isgoyska Baar Jowhar, oo isana ka tirsan Degmada Hurwaa.

Dadka deegaanka oo Taleefonka kula hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa waxay qeexeen inay maqleen daryenka rasaasta qoryaha daran-darooriga u dhaca, ayna socotay ugu yaraan saacad.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu kala gaarey labadda dhinac, wallow aan si dhab ah loo ogayn inta uu la egyahay.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarada gaadmada ah oo lagu soo qaaday fariisamahooda, kuwaasi oo lagu soo beegay xilli ay Ciidamada ku jira heeganka ay Afur u fadhiyeen.

Wali ma jiro wax war ah oo dhanka Al-Shabaab kasoo baxay oo ku aadan weerarka caawa, kaasoo qeyb k ah weeraro kooxda ka fulineyso caasimada dalka Soomaaliya tan iyo markii ay billaabatey bishan Ramadan ee dhamaanka ah.

Amaanka Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, iyadoo Al-Shabaab sare u qaaday howlgaladeeda dilalka ah, kadib markii ay ku adkaatey inay bishan qaraxyo ka fuliso magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM