Dagaal ka Socda Baydhabo oo Galay Maalintii Labaad iyo Eedeymo loo Jeediyay Villa Somalia

Image

BAYDHABO, Soomaaliya — Dagaal u dhaxeeya ciidamada amniga ee Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socda magaalada Baydhabo, iyadoo maamulka gobolku uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay dabada ka riixayso colaaddan.

Iska horimaadyada oo billawday maalintii Arbacada ayaa xoogoodu wuxuu ka dhacay agagaarka hoyga uu magaalada ka deggan yahay Wasiirka Xanaanada Xoolaha dowlada Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo goobjoogayaal ku sugan gudaha magaalada.

Saraakiisha amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay wadaan "howlgal sifayn ah" oo looga horjeedo kooxo ay ku tilmaameen "maleeshiyaad nabad-diid ah" oo doonaya inay qalqal geliyaan amniga caasimadda kumeel-gaarka ah ee maamulkaas.

"Ciidamadu waxay sii wadi doonaan hawlgalka ilaa inta laga hubinayo in maleeshiyaadka hubeysan ay hubka dhigaan, nabaduna ay dib ugu soo laabanayso xaafadaha magaalada," ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan laamaha amniga oo codsaday inaan magaciisa la adeegsan.

Maamulka madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si kulul u eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in maleeshiyaadka lala dagaalamayo ay dhaqaale iyo hubba ka helaan dhanka Muqdisho. Illaa hadda, dowladda federaalka ayaan si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan loo soo jeediyay.

Xiisaddan ayaa imaanaysa xilli uu jiro ismari-waa siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay, kaas oo u dhaxeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan arrimaha khuseeya dib-u-habaynta dastuurka iyo doorashooyinka heer qaran ee soo socda.

Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa inuu hakad ku yimid ganacsiga, iyadoo shacabka ku nool xaafadaha lagu dagaalamayo ay bilaabeen inay u barakacaan meelaha ka fog goobaha ay rasaastu ka dhacayso. Ma jiro khasaare rasmi ah oo la xaqiijiyay ilaa hadda, balse waxaa la maqlayaa dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic goos-goos ah.

Baydhabo, oo 250 kiiloomitir dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, ayaa ah magaalo istiraatiiji ah oo marar badan ay ka dhaceen iska horimaadyo siyaasadeed, xilli ay sidoo kale wajahayso khatarta joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysa deegaanno badan oo ku xeeran gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM