​Dagaal kasocda Baladweyne

Image

BALADWEYNE- Dagaal xooggan ayaa ka bilowday xaafad kamid ah magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, waxaana la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo iska hor imaadkaasi u dhaxeeyo mallayshiyaad kala taabacsan beelo magalada wada dagan.

Majirto khasaaro rasmi ah oo dagaalkaasi laga ogaaday, balse ilo ka agdhow goobaha dagaalku ka socdo ayaa sheegaya inuu jiro khasaare labada dhinac kala gaaray iyadoo hakad ku yimi isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa guud ahaan magalada, waxuuna saameeyay ganacsiga Baladweyne iyo dhaq-dhaqaaqa, gaar ahaan xaafadda Galbeedka dhacda.

Majirto cid kala dhexgashay labada beelood ee dagaallamaya, balse waxaa socota waan-waan nabadeed oo waxgaradku doonayaan in xiisadda lagu qaboojinayo.

Ilaa hadda ma cadda sababta iska hor-imaadkaan dhalisay, balse waxaa loo badinayaa inay qayb ka tahay muran muddooyinkii dambe ka dhex taagnaa labadaasi beelood.

Dhawaan ayay ahayd markii dagaal beeleed ka dhacay magalada Baladweyn xarunta gobolka Hiiraan ku dhinteen ku dhawaad 20 ruux islamarkaana lagu dhaawacay tiro intaasi kabadan.

Waxaa dhawr jeer oo hore fashilmay dadaalo ay wadeen duub dhaqameedka Hiiraan, kuwaasi oo u suura gali weyday inay qanciyaan beelaha degmadaasi ku dagaallamaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM