Dagaal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose [Fahfaahin]

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Dagaalyahano aad u u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa duulaan qorsheysan ku qaadey Fariisin ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin gudaha degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaaladda, islamarkaana uu ka dhacay dagaal toos ah oo leysku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud.

Wararka ayaa sheegay in ciidamadda dowladda ay iska caabiyeen xoogaga Al-Shabaab, islamarkaana dib u riixaan, iyagoo kaashanaya Ciidamada AMISOM.

Dagaalka oo socda mudo saacado ah ayaa uu labada dhinac ku dhexmaray gudaha iyo dibadda magaalada, sida ay sheegeen dadka degaanka, waxaana jira khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay ugu yaraan hal dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsanaa iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen Askar dowladda kamid ah.

Al-Shabaab wali dhankeeda war war kamid ah aysan soo saarin dagaalkaan, balse, wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ka wadeen degaano badan oo gobolka ka tirsan dhaqdhaqaaq ciidan.

Degmada Qoryoolay oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana 120-KM dhanka waqooyiga galbeed uga beegan Muqdisho, ayaa waxaa ay wehel u noqotay bilooyinkii u dambeeyay weerarada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Si aad u soo dagsato appllication cusub ee Garowe Online Halkaan Riix: [Application]

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM