​Dagaallo khasaaro gaystay oo ka dhacay Gedo

Image

Dagaallo kala duwan, ayaa maanta ka dhacay gobolka Gedo ee Somalia, wuxuuna u dhaxeeyay mallayshiyada ururka Shabaab iyo ciidamada dowladda ee halkaasi ka howl gala.

Labada garab ayaa ku kala dagaallamay degmada Ceel Waaq iyo Caanoole oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed ka xigta degamada Baardheere ee gobolkaasi.

Wararka aan ka helayno degmada Ceel Waaq, ayaa sheegaya inay dhinteen 11 katirsan mallayshiyada Shabaab, halka labo Askari soo gaareen dhaawacyo, sida aan kasoo xigannay saraakiil katirsan guutada 1-aad ee ciidamada xoogga dalka Somalia.

Majirto wax war ah oo dhanka Al Shabaab aan ka helnay, balse dagaalka ayaa la rumaysanyahay inay soo qaateen kooxdaasi oo beegsaday fariisin degmada ku lahaayeen ciidamada dowladda.

Dhinaca kale wararka aan ka helayno degmada Baardheere, ayaa tilmaamay in maanta iska hor imaad ka dhacay deegaanka Caanoole, kaasi oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo Al Shabaab.

Majirto khasaaro cad oo dagaalka laga soo sheegayo, balse ciidanka dowaladda ayaa weerar ku qaaday goob mallayshiyadaasi fariisin ka samaysan lahaayeen.

Xaaladda goobaha lagu dagaallamay ayaa haatan daggan, waxaana labada dhinac gaaraya gurmadyo kala duwan.

Shacabka goobahaasi ayaa baqdin xooggan muujinaya, waxaana la barakacay goobaha qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM