Dalka Qatar oo Safiir aan Caadi Aheyn u soo Magacowdey Soomaaliya

Image

DOHA- Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa qoraal uu soo saarey maalintii shaley waxaa uu dalka Soomaliya u magacaabey Safiir loogu magacdarey mid aan caadi ahyn (Extraordinary-سفيرا فوق العادة).

Safiirkaan oo lagu magacaabo Xasan Xamza Asad Haashim ayaa Soomaaliya wakiil uga ahaan doona  danaha dalka Qatar ka leeyahay dalka dagaalada sokeeye ka socdeen mudada ku dhow 30 sano.

Haashim ayaa lagu sheegey in shaqadiisa bilaabayo markii wareegtadaan uu soo saarey Amiirka dalkaas.

Qatar ayaa waxaa khilaaf xoogan ka dhexeeya dalka Imaraadka Carabta iyadoo magacabistaan ay ku soo beegmeyso xilli xiriirka dowlada Fedraalka la leedahay Abu Dhabi uu marayo heerkii ugu hooseeyey.

Dowlada Soomaaliya oo horey u sheegtey iney dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka ayaa waxaa ay u muuqataa iney aad ugu dhowaaneyso wayadaan dambe Qatar kadib markii Barlamanada Federaalka dhowaan soo saareen qaraar ay dalka ka mamnuucayaan shirkad DP oo dhiseysa dekada Berbera halka shirkad xiriir la leh P&O maamuleyso dekada magaalada Boosaaso.

Dowlada Somaliland ayaa diidey go’aanka Barlamanada Fedraalka Soomaaliya halka Madaxweyne Puntland weli ka aamusan yahay inuu difaaco Heshiiska uu lasoo galey shirkada maamuleysa dekada Boosaaso.

Dalka Qatar ayaa muddo ku lug lahaa siyaasada dalka Soomaaliya isagoo faragaliya doorashooyinka ka dhaca dalkaas halka sida la rumeysan yahay xiriir la leh kooxaha Islaamiyiinta ee ku hardama gacan ku haynta wadankaan daganaansho la’aanta siyaasadeed ragaadisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM