Danab oo gacanta ku soo dhigay nin weeraray goob ay ciidamo ku sugnaayeen

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gacanta ku dhigay Abshir Mowlid Axmed oo la sheegay in uu ka tirsanaa kooxda "AS".

Abshir ayaaku eedaysan in uu babma gacmeed ku tuuray xaafad ay degnaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Danab oo ku taala magaalada kismaayo.

Ciidanka ayaa isla markii dabagal ku sameeyay eedaysanaha oo goobta ka cararay sida ay wariyeen hay'adaha amaanka.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa haatan gacanta ku haayo Abshir, iyaga oo baaritaanno ku samaynaya. Laamaha amaanka ayaa laga soo xigtay inuu keydsaday bambooyin oo uu damacsanaana inuu falal amni darro oo kale ka gaysto magaalada kismaayo ee caasimada Dowlad-Goboleedka jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM