Dani oo wajahayo duufaano siyaasadeed & Mucaaridka oo afka furtay

Image

GAROWE, Soomaaliya - Mucaaridka Puntland ayaa ku dhawaaqay shirweyne ay uga arrinsanaayaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, kaasi oo magaalada Garowe ka dhici doona 10-ka bishan, sida ay ku sheegeen shir Jaraa’id ay maanta qabteen.

Mucaaridka ayaa ka tashan doona doorashooyinka Puntland iyaga oo ka wada hadli sidii looga bixi lahaa xaaladda siyaasadeed ee xakiran, waxayna sheegeen inay tutbta toosan ku soo celin doonaan Puntland.

Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale ka hor yimid hanaanka doorashada ee hal dhinac ka raran kaas oo ugu dambeyn horseeday in degmada Boosaaso ay yeelato laba Maayar, iyaga oo yiri:

“Dadka damiirkoodii in lagu ciyaaro ma ahan, waa la wada ogyahay in doorasho qof iyo Cod aan lagu qaba karin 3 bilood. Anagoo og waxa ka dhacay Boosaaso, sidee ugu aamini karnaa doorasho Barlamaan iyo mid Madaxtinimo?”.

Mucaaridka ayaa sheegay in waxa uu doonayo Madaxweynaha Muddo xileedkisa sii dhamaanayo ee Saciid Dani uu yahay Muddo kororsi taas oo aan laga aqbali doonin sida ay hadalka u dhigeen.

Shirkan ee mucaaridku iclaamiyeen ayaa ku so aadaya xilli laga cabsi qabo in Puntland ka dhacdo qalalaase sabab u ah hanaanka doorashada oo aan la isku waafaqsaneen iyo talada Puntland oo ku soo aroortay hal shaqsi oo maqane ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM