Danjire Tarsan oo soo gabagabeeyay mudadii uu ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya

Image

NAIROBI (GO) - Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ku taal Magaalada Nairobi ayaa munaasabad loogu qabtay Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo soo gabagabeeyay mudadii uu ahaa safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, marti sharaf kale, iyo xubno ka socday diblumaasiyiinta Kenya.

Danjire Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya,

Dr. Abraham Korir Sing'Oei, Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Danjire Nuur ku bogaadiyay adeeggiisa wanaagsan iyo wax qabadkiisa la taaban karo ee ku aaddan horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

“Danjire Nuur waa saaxiibka dhabta ah ee Kenya, waxaana bogaadinaya dadaalka hagar la'aanta ah ee uu ugu jiro horumarinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika." ayuu hadalkiisa raaciyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM