Danjirihii hore Qaramada Midoobay oo ka tagay Somalia

Image

30 December, 2015(GO)-Danjirihii hore Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay ayaa shalay oo Talaada ahayd 29 December, kadagay dalka Somalia oo muddo labo sano iyo bar ka shaqaynayay.

Xaflada sagootin ah ayaa Ergeygii hore loogu sameeyay garoonka diyaradaha Aadan Cadde, waxaana ka soo qayb galay xubno kasocda golayaasha dowladda Somalia, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo mas'uuliyiin kale.

Isagoo ka hadlayay xafladda sagootinta, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye ayaa ku tilmaamay Nicholas Kay inuu ahaa saaxiib dhab ah oo lahaayeen dadka Soomaalida, kaas oo dadaalladiisa ay ku reebeen calaamad aan la tirtiri karin taariikhda dalka.

Kay oo dareenkiisa ka hadlay ayaa tilmaamay inuu Somalia ka tagayo isagoo faraxsan, rajana ka qaba in dalka xaaladdiisu hagaagt, wuxuu u mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Somaliyeed, saaxiibbada caalamka iyo shakhsiyaadkii kala soo shaqeeyeen xafiiska Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

Nichlos Kay oo haatan ku sugan xarunta dalka Kenya Nairobi ayaa sheegay xilli uu waraysi siiyay VOA-da maanta oo Arbaco ah 30 December, 2015 ayaa ammaanay guulaha ay dawladda Soomaaliya ka gaadhay dhinaca hirgelinta nidaamka federaalka iyo in Al-Shabab laga riixo dhul badan oo ay horey u haysteen.

Danjire Kay ayaa xilka qabtay bishii June 2013 xilligaas oo uu xafiiska kala wareegay danjirihii isaga ka horreeyay, Augustine Mahiga.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Xiisad Dagaal oo Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Itoobiya Iyo Eritrea

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadkii ka dhashay…

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 04:48PM

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM