Daraasad: Iiraan oo hubka u kala gudbisa Yemen iyo Soomaaliya

Image
Waa markii ugu horeysay oo warbixin noocaan oo kale ah dadweynaha loosoo bandhigo.

WASHINGTON, USA – Hub ay Iiraan ku taageertay Xuutiyiinta Yemen ayaa si qarsoodi ah Soomaaliya loosoo geliyey iyada oo lasoo marsiiyey biyaha Gacanka Cadan, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay machad fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.

The Global Initiative against Transnational Organized Crime ayaa xustey in diiwaan-gelisay hubkaas ka kooban 400 xabo la geeyay 13 meelmood oo kamid ah Soomaaliya sideedii bilood ee lasoo dhaafay.

Waa markii ugu horeysay oo warbixin noocaan oo kale ah dadweynaha loosoo bandhigo. Gacanka Cadan wuxuu caan ku yahay safarka ka ganacsiga hubka sharci daradda ah gaar ahaan qoryaha.

"Iran waxay si is-daba joog ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee Xuutiyiinta. Si kastaba ha ahaatee, cadaymo hor leh ayaa tilmaamaya sahayda dawladda Iran," ayay warbixintu tiri.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran iyo afhayeen u hadlay xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaan ka jawaabin codsi ku saabsan daraasaddan. Iran ayaa si joogta ah u beenisay inay wax lug ah ku leedahay ka ganacsiga hubka ee xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen, halkaasoo dagaalka sokeeye ee lixdii sano ee la soo dhaafay ay ku dhinteen tobanaan kun.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya iyo wasiirka amniga gudaha ayaan wax jawaab ah ka bixin taleefoonno iyo farriimo wax looga weydiinayay qadiyaddan.

Daraasadu ayaa intaas waxay ku daraysaa in baarayaashu aanay awood u lahayn in ay si buuxda u diiwaangeliyaan iibsada iyo iibinta hubka. Tafaasiishu waxay intaas ku daraysaa in dhamaan astaamaha goobaha lasoo marsiiyey hubka ay la xiriiraan Iiraan.

Ugu dambeyntii, warbixinta ayaa lagu caddeeyay in ciidamadda Mareykanka ay qabteen qayb kamid ah hubkaas iyo in qayb ballaaran oo kamid ah sahaydaas ay u gacan-galeen maleyshiyaadka Al-Shabaab iyo qabiilo doonaya in ay ku saameeyaan doorashooyinka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM