Deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho oo si Qurux badan ee loogu ciiday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kumanaan ka mida shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ku ciiday xaafadda Daarusalaam, oo ka mida xaafadaha ugu bilicda wanaagsan ee Caasimadda Muqdisho.

Dadweyne fara-badan ayaa Salaadda Ciidda ku oogay Masaajidka weyn ee deegaanka Daarusalaam, ka dib markii ay qaarkood isaga kala yimaadeen Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dadweynaha reer Muqdisho oo markii dambe isugu tagay Beerta Daarusalaam ayaa isugu hambalyeynayay munaasabadda maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa, oo maanta si isu mida looga wada ciidaayo geyiga Soomaalida.

Maamulka xaafadda Daarusalaam ayaa dhawaan qalab cusub ku soo kordhiyay goobta ay carruurta ku cayaaraan, sidoo kalana waxaa la keenay ugaar kala duwan, oo loogu talagalay inay dadka u soo daawasho taggaan.

Maanta oo kale waalidiinta ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ubadkooda u damaashaad geeya xaafadda Daarusalaam, si ay u dareemaan farxadda Ciidda.

Ciidda Carafo ayaa ah Ciidda labaad ee Islaamka uu leeyahay, marka laga soo taggo Ciidul Fitriga, waxayna umadda Soomaaliyeed isu rajeeyeen in sanadkan midka xigga uu Alle ku gaarsiiyo cimri, caafimaad, nabad iyo caano.

Deegaanka Daarusaam waxaa maalgaliyay Salaam Somali Bank isla markaana waxaa dhisay Shirkadda Dhismaha Buruuj.

Ciidaan Carafo ayaa ka duwan Ciidul Fitrigii hore, marka aad eegto inaanay ciidaan wax saamayn ahi ku yeelan awaamiirtii horaan lagu xakameynayay COVID-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM