Degmada Ceelbuur oo xalay lagu dagaallamay

Image

[GO, Isniin, Sep 8, 2014] — Dagaal xooggan ayaa xalay ku dhex maray degmada Ceel-Buur ee gobolka Gal-guduud ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo  kooxo ka tirsan Al-shabaab oo iyagu degmadaas soo weearay.

Guddoomiyaha Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay inay si xooggan isaga caabiyeen kooxihii soo weeraray. Shan askari ayuu xusay inay ka dileen  tiro intaas ka badanna ay ka dhaawaceen.

Guutaale ma sheegin wax khasaare ah oo dhankooda dagaalkaas kasoo gaaray, wuxuuse ku celceliyey in ay khasaare culus gaarsiiyeen dhanka kale. Al-shabaab weli wax war ah kama soo saarin dagaalkaas iyo khasaaraha uu geystey.

Xaaladda guud ee degmada Ceelbuur ayaa maanta deggen, dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ayaa si habsami leh ku soconaya, inkastoo weli saansaan coladeed laga dareemayo goobihii uu xalay dagaalku ka dhacay.

Todobaad kahor markii duqeynta lagu diley hoggaamiyihii Al-shabaab, waxay kooxdu ku gooddiday inay qaadi doonto weeraro badan oo aargudasho u ah geerida Axmed Cabdi Godane.

Arrintaas waxaa horay uga hadashay Wasaaradda Amniga oo uga digtey dadka rayidka ah iyo mas'uuliyiinta dowladda inay ka feejignaadaan weerarro aargoosi ah oo ay suurogal tahay in Shabaabku ay qorshaynayaan.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM