Deni oo carqaladeeyay Murashax

Image

GAROWE. Soomaaliya - Murashax Madaxweynaha Puntland ee Doorashada 2024 bisha koowaad 8-deeda lagu wado in ay Garowe ka dhacdo, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa Garowe gaaray iyada oo ay soo dhaweeyeen Siyaasiyiin, Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Siyaasiga oo taageerayaashiisa kula hadlay Barxadda Garowe ayaa sheegay in madaxweynaha ay dhawrka bil uga hareen mudada xil-hayntiisa Dastuuriga ah, Siciid Deni uu ka hor istaagay in lagu soo dhaweeyo qeybta VIP-da garoonka diyaaradaha Garowe.

"Waxaad ogtihiin Deni meel waliba waa xirtay maanta garoonkii qeybtii VIP-da waa xirtay. Deni laga yeeli maayo in uu meel waliba iska xirto".

Falanqeeyayaasha ayaa ku tilmaamay is hortaagga murashax Maxamed Cabdiraxmaan Faroole mid muujinaysa walaaca Deni iyo qoyskiisu ay ka qabaan saamayntiisa.

Hogaamiyahan ayaa lagu tilmaamaa Aas-aasaha iyo bud-dhigaha ciidamada Badda Puntland isaga oo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM