DF iyo maamuladda heshiis cusub ka gaarey qeybsiga dakhliga dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada ayaa ku heshiiyey in ay hab ka duwan qaabkii horey u qeybsadaan dakhliga dalka, sidda lagu sheegay war-murtiyeed.

War-murtiyeedkaas oo nuqul kamida uu arkay GO ayaa kasoo baxay Shirka Maaliyadda Waddanka oo labadii maalmood ee kasoo dhaafay ay wasiirada wasaaradahaas ku yeesheen Muqdisho.

Sidda ku cad bayaanka, guddiga farsamo ayaa loo saarey arrintaan si ay u soo bandhigaan nidaam la isla ogol-yahay, taasoo la macno ah in illaa iyo haatan ay shirka uusan kasoo bixin hanaan.

Warka qoraalka ah ayaanan lagu caddeynin waqtiga lasoo bandhigayo warbixintaas, marka laga reebo in shirka xigga uu qabsoomayo 14-ka bisha September ee sanadkan 2020-ka.

Shirkaan oo ay yeeshaan Wasiiradda Maaliyadda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa ah bile, waxaana diiradda lagu saaraa qodobo ay kamid yihiin hanaanka maaliyadda iyo canshuuraha.

Dhanka kale, qodobada kale ee shirka maanta lasoo xiray kasoo baxay waxaa kamid ah "in si wanaagsan oo lagu wada qanacsan yahay loo qeybsaday kabkii miisaaniyadda".

Hirgelinta nidaam canshuureed qiime ku saleysan, canshuur-qaadka oo $4  laga dhigay iyo in miisaaniyadda sanadka 2020 loosoo bandhigo qaab mideysan oo lifaaq ku cad ayaa sidoo kale kamid ah.

Hoos ka daalaco war-murtiyeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM