DF iyo Qaramada Midoobay oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shir dhex maray dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaramada midoobay oo ka dhacay Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wada-shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada Midoobay iyo sii wadidda taageerada Qaramada Midoobay ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaramada midoobay uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaasho xilli waliba in la horumariyo, lana sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada Midoobay si loo hagaajiyo qorshaha adeegyada bulshada ee muhiimka ah lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed.

Dhammaan mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ee kulanka ka hadlay ayaa dowladda ku bogaadiyay horumarrada laga sameeyay dib-u-habeynta amniga, dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxayna caddeeyeen in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay kala shaqeynayaan gaaridda hormar ballaaran oo hormuud u noqda xaqiijinta hadafyada qaran ee ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay UNDP, WFP, UNOPS, UNHCR, UNIDO, UNICEF, UNFPA, World Bank, FAO, IOM, OHCHR, ILO, OCHA iyo WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM