Amaro lagu soo rogayo xabsiyada kadib weerarkii jeelka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay amarro cusub kusoo rogtay xabsiyadda kadib weerarkii dhimashada badan dhaliyey ee Jeelka Dhexe ee magaalada Muqdisho.

Xasan Xuseen Xaaji, wasiirka cadaaladda oo xaqiijiyey in ay ka fekerayaan go'aanadaas, ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen toogashadii ay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ka geysteen maxaabiista Al-Shabaab.

Guud ahaan, lix qof, oo afar kamid ah ay ahaayeen maxaabiista shaqaaqada sameysay iyo laba askari oo ilaalo ka ahayd xabsiga, ayaa ku geeriyootay is-rasaaseynta oo xooganeyd dhowr daqiiqana socotay.

Illo wareedyo amni ayaa xaqiijiyey in maxaabiista ay weerarka ku fuliyeen saddex bastoolad iyo lix bam-gacmeedyo ah oo loo dusiyey.

Xogtan uu bixiyey sarkaal sare ayaa intaas ku dareysa in la qabtay laba maxbuus oo weerarka ka qeyb-qaadatay kuwaas oo dhaawac ah, midkana uu baxsaday markii uu dilay darawal Bajaaj iyo qof shacaba.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, cid kasta oo ay ku cadaato in ay fududeysay in hubkaas uu gaaro maxaabiista waxay wajaheysaa ciqaab.

"Waxaan u balanqaadeynaa Umadda Soomaaliyeed in aan ilaalin doono xabsiyadda, iyo in aan kusoo rogi doono habraacyo lagu damaanad-qaadayo maxaabiista amnigooda," ayuu u sheegay Tv-ga qaranka.

Awaamiirta cusub ee la filayo in lagu soo rogo xabsiyadda ayaa loo maleynayaa in lagu adkeyn doono booqashada maxaabiista argagixisada.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa kalsooni weyn ka muujiyey in labada maxbuus ee gacanta lagu hayo ay baareyaasha siin doonan macluumad ku hagi doonta in ay soo qabtaan ciddii kala qeyb-qaadatay maleegida toogashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM