DF oo baareysa kiis la xiriira Covid-19 oo Imaaraadka Carabta naqdiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shaqsi watay shahaado sheegeysa in uu soo ritay safmarka Coronavirus ayaa 15-kii bishaan Julaayo sanadkan 2020 wuxuu u socdaay Imaaraadka, sidda ay maanta ku warantay VOA Soomaali.

Sidda ku xusan warbixinta, xukuumadda Dubai oo 16-kii July baaritaan marisay ruuxaas markii uu gudaha wadankeeda galay ayaa ka weysay wax astaamo ah oo muujinaya in uu la nool-yahay fayruska faafa ee Corona.

Muwaadinkaas oo sabab la xiriirta sumcadiisa loo qariyey magaciisa kana dhoofay Soomaaliya ayaa tan iyo waqtigaas wuxuu banaanka ka joogaa xaalada karantiilka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca waxay ka qaadey in ay baareyso qaabka ay ku dhacday in positive loo qoro ruuxaas, iyo sidoo kale sidda ay ugu suurtagashay in uu meel ka baxsan dalka uu u safro.

Bishaan July 16-keeda ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ay soo saartay warqad ay ku sheegeyso in Sheybaarka Qaranka ee yaala Muqdisho uu kaliya bixin karo shahaadada safarka ee la xiriirta baarista Covid-19.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in talaabadaas ay la xiriirtay kiiskaan. Balse, mas'uuliyiinta waxay ka gaabsadeen in ay kala caddeeyaan meesha uu qofkaan ka safray caasimadda Muqdisho ama magaalooyinka kale.

Xaaladaha Coronavirus ee Soomaaliya ayaa maraya 3,119, halka geeridana ay wali ku taagan tahay 93, bogsashadana waxay sii cagacageyneysaa 1457. Tiradan waa inta ay wasaaraddu xaqiijisay 24-kii saac ee u dambeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM