DF oo la sheegay in ay ku lug-lahayd xiritaanka adeega Internet-ka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu waramay in ay ku lug-lahayd xiritaanka adeega Internet-ka ee koonfurta waddanka ka maqnaa sacadihii lasoo dhaafay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa shaki geliyey hadalada kasoo yeeray xukuumadda iyo shirkadaha adeega bixiya ee ah in ay cilad farsamo ku timid.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ku dalbay fahfaahin dheeraad ah iyo caddeymo ku saabsan "cidda iska leh masuuliyadda hawo ka saarista adeegga Internet-ka".

"Waxay ilo Xog-ogaal ah nala wadaageen in dowladdu ku lug lahayd xiritaankii adeegga Internet-ka. Waa in shirkadaha bixiya adeegga Internet-ka ay caddeyn ka bixiyaan cidda iska leh masuuliyadda hawo ka saarista adeegga Internet-ka. Bulshadu waxay xaq u leedahay in ay xog sax ah hesho," ayuu yiri.

Inkasta oo si ku meelgaar ah loosoo celiyey, adeegan ayaa ka maqnaa magaalooyin dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka laga soo bilaabo barqanimadii Axada, 26, July illaa iyo galabnimadii Isniinta, 27, July.

Maqnaanshiyaha ayaa timid maalin kadib markii Golaha Shacabka uu kalsoonida kala noqdey ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, kaasoo sharci darro ku tilmaamay, balse xusay in uu is-casilay.

Dadka qaar ayaa sheegay in Internet-ka hawada looga saarey si loo dejiyo xiisada. Dhaqankaas waxaa ku caanbaxdey Itoobiya oo hogaamiyaheeda Abiy Axmed ay xiriir dhow leeyihiin madaxweyne Farmaajo.

Bishii June, 2017-kii ayuu sidaan oo kale u go’ay adeegan iyaddoo loo diyaar-garoobayo ciidda, waxaana uu waqtigaas maqnaa muddo hal todobaad ah.

Dhanka kale, wasaarada boostada oo xustay in cilada dhowaan dhacdey laga soo wariyey meel 27 KM u jirta xeebta Muqdisho ayaa tibaaxdey in ay tahay dhaawac soo gaarey xariga lana dalbay markab hagaajiya.

Internet-ka Soomaaliya ayaa gacanta ugu jira hal dhinac, waana ganacsato gaar ah oo dowladda mamaamusho marka laga reebo in ay sheegato in ay shuruucda hayso, waana sababta soo celcelisa ciladahan oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM