DF oo madaxtinimada Baarlamaanka Aduunka ka door bidday xubanimada bulshada Bariga Africa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka hadlay mushraxnimada Soomaaliya ee xilka madaxtinimada Baarlamaanka Aduunka ay u taagnayd Xidhibaan Marwa Cabdi Bashiir iyo khilaafka kala dhaxeeyay guddoonka Baarlamaabka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS ay ku dhawaaqday inay taageerayso musharaxa Tanzania horaantii sanadkan, ka hor inta ay isi soo taagin Xildhibaan Marwa.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha, Dowladda Federaalka ayaa Tanzania ka heshay ballan qaad in ay taageerayso codsiga Soomaaliya ee ku biirista Bulshada Bariga Afrika.

Heshiiskan ayaa sababay khilaaf dhawaan soo kala dhexgalay guddoonka baarlamaanka iyo musharaxa Soomaaliya ee xilkaas u taaganayd Marwa Cabdi.

Inkastoo Baarlamaanku soo saaray warqad uu kaga laabanayo musharaxnimadeeda, Marwa Cabdi ayaa ku adkaysatay ka qaybgalka Tartanka.

Shalay ayay aheyd markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada Baarlamaanka Adduunka, waxaana kursiga ku guuleysatay Tulia Ackson oo matalaysay dalka Tanzania kadib markii ay heshay 172 cod, halka Marwa oo ku soo baxday kaalinta ugu dambeysay ay heshay 11 cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM