DF oo shaacisay Warbixinta ugu dambeysay ee khasaaraha ka dhashay Xaaladda El-Niño

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay Khasaaraha ka dhalatay daadka ku soo rogmaday qeybo ka mid ah dalka.

Warbixintan ay soo saartay hay'adda maaraynta Masiibooyinka oo lagu sheegay natiijada ugu dambaysay ee khasaaraba ayaa lagu daabacay baraha rasmiga ee Dowaldda.

Roobabka mahiigaanka ah El-Niño Iyo fatahaadaha ayaa saameeysay dowlad gobolleedyada, (Gulmudug, Hirshabeele, Koofur Galbeed iyo Jubaland ).

Warbixinta ayaa lagu sheegay in daadadka in ay saameyeen ku dhawaad hal Milyan oo qof, waxaana ku barakacay 590 Kun, halka ay ku dhinteen 42 ruux.

Waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed oo ah kuwoo gaarka loo leeyahay oo gaaraya 5321 Guri iyo Hanti Guud oo kala ah Buundada Baardheere & Buurdhubo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM