DF oo soo cusbooneysiisey ololaha la dagaalanka tacliinta Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Waxbarashada federaalka ayaa soo cusbooneysiiyey ololihiisa la dagaalanka waxbarashada Puntland ee hal-ku-dhiga uu yahay "ardayda Puntland ma siin doono shahaado".

Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka dalka ayaa wareysi uu siiyey barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee VOA ku shaaciyey in sanadkan aysan bixin doonin shahaadada.

Goodax Garre oo cuskaday in ardayda aysan ka qeybgelin Imtixaanka federaalka ayaa xaqiijiyey in ay doonayaan gorgortan ay arrintaas kala galaan xukuumadda Puntland "si ay heshiis uga gaaraan".

"Sanadkii hore xilligaan oo kale waxaa socday wadahadalo, laakiin hadda ma jiraan," ayuu yiri, isagoo "waa loo qaadan karaan" kaga jawaabay su'aal ku saabsaneyd in uusan xiriir kala dhexeyn dhigiisa maamulka.

Dhanka kale, wasaaradda waxbarashadda dowladda Puntland ayaa illaa iyo haatan waxa aysan wali ka jawaabin dhawaqa kasoo yeeray Goodax Barre.

Bishaan July afarteeda ayay Imtixaanka Shahaadiga ah u fariisteen ardayda fasalka 8aad ee degaanada Puntland, halka kan federaalka uu gobolada ka bilowday 11-kii bishaan oo bilowgii todobaadkan ah.

Bilooyin kahor ayaa qorshuhu ahaa in uu bilowdo Imtixaanka, balse waxaa dib u dhac ku keenay xaaladaha uu sababay cudurka faafi og ee Covid19.

Dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya ayaa xeerinaya in maamulada ay awood buuxda u leeyihiin in ay si madax-banaan u maamushaan arrimaha bulshadda oo Imtixaanaadka uu safka hore kaga jiro.

Puntland oo buuxisay shuruudihii isku filnaanshiyaha qabashada Imtixaanka ayaa horey ugu eedeysay dowladda federaalka in ay siyaasadeyso tacliinta, arrintaas oo ay si xoogan u dhaliishay.

Bishii Febraayo, 2020 ayay ahayd markii Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay shaaciyeen in xal laga gaarey khilaaf sidaan kale dhacay 2019-kii. Lama ogga waxa soo cusbooneysiiyey.

Mudaneyaasha oo waqtigaas la kulmay madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in hogaamiyaha dalka uu faray hay'addaha ay khuseyso in ay ardayda Puntland siiyaan shahaadada ay xaqa u leeyihiin.

Bishii Maaj ee sanadkii hore 2019 ayay ahayd markii Goodax Barre uu ka qoomameeyay isla markaana cudurdaar ka bixiyey hadal uu ugu gefay Imtixaanka Puntland oo waqtigaas uu sheegay in uu guuldareystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM