Damaanad-qaad la siisey shaqaalaha shirkada dhiseysa jidka Afgooye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Soomaaliya ayaa damaanad-qaadey amniga howlwadeenada shirkada dhismaha wadada Afgooye-Muqdisho maalmo kadib weerar culus oo Al-Shabaab ay sheegatay.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa yaboohan siiyey maamulaha ugu sareeya shirkada qandaraaska haysata oo uu xafiiskiisa ku qaabilay.

Enez, oo laga leeyahay wadanka Turkiga, ayaa ku guuleystay mashruuca dhismaha wadooyinka isku xira Muqdisho-Afgooye iyo Jowhar-Muqdisho, kaasoo ay maalgelisay Qadar.

Sabtidii, 18-ka Janaayo, 2020, ku dhowaad 20 oo lix kamid ah ay yihiin Turki isugu jirta Injineero iyo shaqaale ayaa ku dhaawacantay is-miidaamin lagula beegsaday goobta uu dayactirka ka socdo.

Maalin kadib qaraxaas, shirkada ayaa bilowday in ay qalabkeeda kasoo daad-gureyso jidka, wallow kolkii dambe la sheegay in dib loogu celiyey isla goobta.

"Taageerada shacabka iyo dowladda ayaa nagu dhiirri gelineysa in weerarada ka imaanaya argagixisadda aysan saameyn ku yeelan dhameystirka wadada," ayuu yiri maamulaha Enez, Seracettin Aksun.

Aksun oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Khayre u balanqaaday in la xoojinayo joogitaanka ciidan ee aaga dhismaha uu ka socdo.

"Annaga shirkad ahaan waxa ina quseeyo waa in aan dhameystirno mashruuca oo ku guuleysanay, waxaana rajeynaynaa in aanan ka tagin inagoo aan dhisin wadada," ayuu ku daray.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyaddoo dowladda ay maanta gebi ahaanba joojisay isu socodka wadada Afgooye iyo Muqdisho, talaabadaas oo ay cabasho xoogan ka muujiyeen qaar kamid ah gaadiidleyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM