DF Soomaaliya oo beenisay warar cusub oo laga faafiyey Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan waxay ku tilmaamtay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshadda oo ku saabsan Coronavirus.

Maxamed Saciid Cabdullaahi, wasiir ku xigeenka caafimaadka, ayaa dadweynaha ku waaniyey in aysan dhageysan wararka aan kasoo bixin "ilaha saxda ee warbaahinta dowladda".

Isagoo hadalkiisa sii wata, Cabdullaahi ayaa si cad wuxuu u qiray in dalka uusan oolin qalab lagu ogaan karo caabuqaas dilaaga ah.

Balse wuxuu hoosta ka xariiqay in ay socdaan dedaalo waddanka lagu keenayo oo ay waddo xukuumadda federaalka ah ayna balanqaadyo ka heleen dowlado badan.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili saacadihii lasoo dhaafay la hadalhayey in muwaadin ka yimid Ingiriiska uu tegay Isbitaalka Digfeer isla markaana laga helay fayruskaas.

Laba maalin kahor ayay ahayd markii la xaqiijiyey in kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah laga helay Muqdisho. Bukaanka wuxuu kamid ahaa afar muwaadin oo kasoo safartey Shiinaha.

Sidda ay sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, xaqiijinta waxaa lagu helay baaritaan lagu sameeyay dibadda.

Goobaha waxbarashadda ayaa la amray in la xirro muddo 15-maalmood ah, iyaddoo dowladda ay ku dhawaaqdey in ay diyaarisay shan milyan oo Doolar, lacagtaas oo lagula tacaali doono arrimaha COVID—19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM