DF Soomaaliya oo fahfaahin ka bixisay duqeyn lala eegtay Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Axadii, 19-ka Janaayo, 2020, duqeyn dhanka cirka ah laga fuliyey gobolka Jubada Hoose.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed, howlgalkaas oo ciidamo Ameerikana ah ay qeyb ka ahaayeen ayaa lagu qaadey agagaarka Bangeeni oo u dhaxeeya Koban iyo Jamaame.

"Duqeynta waxay dhacday iyaddoo Kumaandooska Danab ay howlgal sifeyn ah ka wadeen halkaas," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha GO.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in saddex kamid ahaa dagaalameyaasha Al-Shabaab lagu dilay duqeynta.

"llaa iyo haatan lama soo warin wax khasaaro shacab kasoo gaaray howlgalka," ayuu xusay qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkaan oo kasoo baxay Al-Shabaab iyo AFRICOM.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2020, Mareykanka ayaa Soomaaliya la fuliyey in ka badan shan howlgal, iyaddoo sanadkii hore 2019 uu qaadey 60, taasoo ka dhigan tiradii uu badneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM