DF oo ka hadashay qaraxyadda dadka badan ku laayey dalka Lubnaan

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka caalamka ee midnimada u muujiyey shacabka iyo dowladda Lubnaan kadib qaraxyo waaweyn oo gilgilay magaala madaxda Beirut.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in ay tacsi tiiraanyo leh u direyso qoysaska dadkooda ku waayey dhacdadaas isla markaana ay soo kabasho u rajeyneyso dhaawacyadda.

"Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxay xilligan adag garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Lubnaan. Waxaan ALLE ka tuugeynaa in uu caafimaad deg-deg ah siiyo dhaawacyadda," ayaa lagu soo qoray barta Twitter-ka ee Villa Soomaaliya, iyaddoo Carabi la adeegsaday.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo dhankiisa qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa naxariista EBBE wuxuu u rajeeyay dhamaan dadka ku geeriyooday falkan.

"Waxaan u duceynayaan walaalaheena Lubnaan," ayuu luuqadda English kusoo qoray, isagoo qaraxa ku sifeeyay "mid aad u naxdin badan".

Inta la xaqiijiyey 73 qof ayaa ku geeriyooday, halka kumanaan kale ay ku dhaawacmeen qaraxyadda oo ka dhacay dekadda Beirut, iyaddoo saameyntiisa laga dareemay meel masaafo ahaan ka fog.

Wallow baaritaano lagu bilaabay sababta dhabta ah ee ka dambeysa, haddana warar horudhac ah waxay sheegayaan in uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo ay gacanta kusoo dhigtay dowladda Lubnaan.

Safaaradda Mareykanka ee caasimada Lubnaan ee Beirut ayaa ugu baaqdey shacabka in ay xirtaan af-saab [maaskaro] "maadaama ay jiraan warar sheegaya in qaraxyadda ay sii daayeen gaasas sumeysan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM