Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka shiray xiriirka Taiwan iyo Somaliland

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Muqdisho, Qin Jian.

Farmaajo iyo Danjiraha ayaa "ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha".

"Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha," ayay tiri Madaxtooyada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa "la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha".

"Dhankooda, Dowladda Shiinaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya," ayay Villa Soomaaliya raacisay.

Danjiraha Shiinaha ayaa dhankiisa "ku cel-celiyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go'antahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".

Somaliland iyo Taiwan ayaa todobaadkii hore waxay ku dhawaaqeen heshiis wadashaqeyn iyo is-dhaafsi xafiis wakiileed, waxaana arrintaas si furan uga banaanbaxday dowladda Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM