DFS oo ka warbixisay dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Image

CEEL LAHELAY, Soomaaliya - Deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan gobolka Mudug ee Galmudug ayaa waxaamaanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo Al-Shabaab.

Wasaaradda Warfaafinta DFS ayaa sheegtay in Al-Shabaab laga dilay in ka badan 30 xubnood, sidoo kalena la burburiyay hanti badan ay lahaayeen oo ay ku jiraan gaadiid iyo hub.

Iska horimaad xooggan ayaa ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhaxmaray deegaanada Sargo iyo Qodqod, waxaana dagaalkan uu ka bilowday weerar xooggan oo ka dhacay deegaanka Qodqod oo ku dhow magaalada Camaara.

Dowladda ayaa uga mahadcelisay shacabka ku taageeraya ciidamada qaranka dagaalka ay kula jiraan kooxda ‘AS’.

Shalay ayey aheyd markii ay kooxda AS soo weerareen deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud dagaalkaas ka dhashay khasaare isugu jiran naf iyo maalba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM