DFS oo la wareegtay magaalada istiraatiijiga ah ee Camaara

Image

CAMAARA, Soomaaliya - Ciidanka Qaranka oo kaashanaya kuwa deeganka ayaa ku guuleystay inay gabi ahaanba la wareegaan gacan ku haynta magaalada istiraatiijiga ah ee Camaara, sida ay dhawaan shaacisay Warbaahinta Dowladda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al- Cadaala oo ku sugan magaalada ayaa xaqiijiyay warkan.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay howlgalkaasi sida uu sheegay. Waxa uuna sheegay muhiimadda ay guushani u leedahay xoojinta ballan-qaadka dawladda ee ku aaddan dib u xorreynta dalka.

Ciidamada isku dhafka ah ayaa ka awood roonaaday kooxda Al-shabaab oo maalmahan looga adkaaday dhamaan deegaanada hoos yimaada Magaalada Camaara, iyagoo soo afjaray wax kasta oo iska caabin ah oo ay AS kala kulmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM