"Dhaawac" soo gaarey diblumaasiyadda Soomaaliya

Image
Isbarbardhig lagu sameeyay go'aanadii maamulka Farmaajo ka qaatay dhanka xiriirka caalamiga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Go’aanka maamulka Farmaajo dalka uga eryay ku xigeenka ergayga Midowga Afrika, Simon Mulongo, ma jirto wax uu u soo kordhinayo Soomaaliya balse wuxuu dhaawacayaa rirkooeeda, sida uu sheegay musharax madaxwayne Daahir Maxamuud Geelle.

Geelle oo Jimcadii xaruntiisa ololaha war-fidiyeenka kula hadlay ayaa daaha ka rogay maamulka muddo xileedkiisu dhamaadey u uku fashilmay in uu dadka la wadaago tafaasiil ku saabsan sababta uu u cuskadey go’aankaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa kaliya waxay qoraal kooban ku sheegtay in ay Mulongo oo u dhashay Uganda uu ku lug-yeeshay "carqaladeyn arrimaha gudaha ah".

"Horta tafaasiil badan lagama bixin [go’aanka]. Dowladda waxay u muuqataa in ay rabtay in ay rikoor ka dhigto. Hadda kahor diblumaasi kale ayay sidaas u ceyrisay. Diblumaasigaas markii la ceyrinaayey wax sabab ah ma aysan muuqan laakiin wararka hadda dhacay wax xaqiiqo ah oo dowladda ay dadka la wadaagtey ma jiraan," ayuu ka dhawaajiyey Geelle.

Bishii Janaayo sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay eriday Nicholas Haysom oo ahaa ergayga Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya kaasoo ay ku eedeysay in uu farageliyey arrimaha gudaha dalka.

Diblumaasigan u dhashay Koonfur Afrika ayaa cambaareeyay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u sharaxnaa xilka madaxtinimadda Koonfur Galbeed. Mid kamid aas-aasayaashii Al-Shabaab ayaa hadda xabsi guri ugu jira Muqdisho.

Geelle oo is-barbar-dhigay ceyrinta Haysom iyo Mulongo ayaa ku adkeystay in aysan jirin wax faa’iido ah oo Soomaaliya ay ka heleyso cawaaqib uusan fahfaahin mooyee.

"Muhiimadu waxay tahay cayrinta waa meesha ugu dambeysa ee diblumaasiyadda. Habab badan oo loo xaliya ayaa jirta oo wax lagu saxo dowladda waxaa moodaa in ay ka dhacsan tahay hababkaas. Shalay lagama faa’iidin ceyrintii diblumaasigii hore tanna lagama faa’iidaayo kaliya waxay dhaawacaysaa rikoorka diblumaasiyadda Soomaaliya," ayuu ka dhawaajiyey.

Mulongo oo ka jawaabay go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa hoos-u-dhigay wuxuuna naqdiyey qoraalka wasaarada arrimaha dibadda oo ku tilmaamay mid aanan wadan macno la fahmi karo iyo sabab looga ceyriyo waddanka. Maka jawaabin su’aasha ah in uu u hogaansamayo amarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM