Dhalinyarada Somaliland ee Muqdisho ku sugan oo ka cabanaya Hay’adda NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo markii ay soo baxeen wararka ku saabsan Safarka Baraha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Nageeye Cali Khaliif uu ku aaday deegaanada ay ka taliso Al-Shabaab, laamaha amaanka ayaa durba bilaabay in ay soo xiraan dhaliyaro ku nool magaalada Muqdisho oo daabacay qoraallo ay ku taageerayaan kooxaha argagixisada ah.

Safarka Cusub ee Nageeye ayaa saamayn ku yeeshay dhalinyarada Somaliland ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho, gaar ahaan kuwa wax ku qora baraha Bulshada, Maadaama uu Nageeye aaladahaas u adeegsan jiray qalab uu ku faafiyo fikirkiisa xagjirka ah.

Arbacdii la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ay gacanta ku dhigeen Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan Abwaan Jeesto oo ka yimid gobolka Togdheer, waxaana loo heystaa qoraallo oo ku faafiyay Baraha Bulshada kuna taageeray “AS”.

Waxaa sidoo kale shalay la soo xiray Abwaan Farxaan Timacadde oo ka soo jeeda Waqooyiga Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal, waxaana la sheegay inuu u xiran yahay taageerada Al-Shabaab.

Isla Shalay ayaa ciidamada NISA waxay xireen Garaad Yaasiin oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Hay’addaas, Saaxib dhowna la ahaa Nageeye Cali Khaliif.

Dhalinyarada Somaliland oo u soo hayaamay caasimadda ayaa ku milmay bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan, waxayna ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan, sida waxbarashada, ganacsiga, farsamada gacanta, iyo weliba siyaasadda.

Dhalinyaradan oo qaar ka mid ah la hadlay GO ayaa leh laba aragtiyadood, Qaar waxay aaminsan yihiin in xarigaasi si gaar ah lagu bartilmaameedsanayo dhalinyarada asal ahaan ka soo jeeda deegaanada Somaliland.

Dhinaca kale ayaa aaminsan in howlgalladan lagu bartilmaameedsanayay cid kasta oo taageero u muujisa kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab, iyadoon loo eegayn gobollada ay ka soo jeedaan.

Dadka qaar ayaa qaba aragtida ah in marxaladan ay muhiim u tahay dib u xoreynta dalka, loona baahan yahay in laga saaro dowladda iyo jagooyinka muhiimaka ah shaqsiyaadka taageera kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo ka kala imaanaya dhammaan gobollada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Fiqi, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sanadihii lasoo dhaafay ku dhex milmeen dowladda iyo bulshada, iyadoo maamulka hadda jira uu doonayo in ay kala miirmaan, sida uu hadalka u dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Diyaarado ka degay Kismaayo iyo Isku-daygii DFS ee xayiraadda oo fashilmay

Waxay tani muujinaysaa inuusan shaqeyn isku-daygii maamulka Xasan Sheekh ee diyaaradaha looga joojiyay Kismaayo.

  • Soomaliya

    19-01-2025

  • 01:27PM

Soomaaliya: Wasiirka Gargaarka Puntland oo Beenisay hadal kasoo yeeray SoDMA

Waxay sidoo kale tilmaantay in Puntland ay wajaheyso caqabado adag oo bani’aadamnimo, kuwaas oo ka dhashay abaaro daba dheeraaday.

  • Soomaliya

    19-01-2025

  • 11:17AM