Dhiibistii Qalbi dhagax: Jawaabaha harsan oo kusoo biyo shubtay DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyadoo hadal-heyntiisa ay soo cusboonaatey, kiiska Qalbi dhagax ayaa u muuqda mid qeyb ahaan gabagabo ah isla markaana jawaabaha baaqiga ah ay kusoo biyo shubteen Villa Soomaaliya.

Qaar kamid ah mas'uuliyiintii xog-ogaalka u ahayd dhiibistii Cabdikariin Muuse oo hadlay ayaa soo bandhigay macluumaadyo daaha gedaashiisa ku jiray.

Wallow lagu eedeeyay in uu noqday "danbi qariye," Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sare, ayaa xaqiijiyey in hogaanka dalka ay qeyb ka ahaayeen go'aan ka gaarista qadiyaddaas.

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, oo qirtay kaalintiisa ayaa si furan u dalbaday raalin buuxda.

Cabdi Faarax Saciid Juxa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, ayaa daboolka ka qaaday in madaxweyne Farmaajo, ra'iisul wasaare Khayre iyo ku xigeenka Mahdi Guuleed, ay si wadajir ah u go'aamiyeen arrintaan.

Juxa oo xaadir ahaa fadhigii Wasiirada ku shaaciyeen in Qalbi dhagax uusan Soomaali ahayn iyo in ONLF ay "argagixiso tahay" ayuu xusay in go'aankaas uu ku qornaa warqad uu jeebka kala soo baxay Mahdi.

"Xisaabu harsan!"

Inkastoo fahfaahintaan ay soo shaac-baxday, Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte, wasiirkii hore ee Qorsheynta xukuumada federaalka ah, ayaa rumeysan "in xisaabu wali harsan tahay".

Fariin uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu kusoo dhaweeyay qirashada iyo cafiska uu codsaday Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa ku tartarsiiyey hogaanka Nabad iyo Nolol in ay shir deg-deg ah isugu yeeraan Golaha Wasiirada isla markaana ay ka noqdaan go’aankii ay ka qaateen Qalbi dhagax iyo ururkiisa.

"Taliye Sanbalooshe raalli galin ayuu ka bixiyay kaalintii uu ku lahaa cadow u dhiibiddii Qalbi-Dhagax, cafisna wuu weydiistay. Balse, madaxdii amarkaas bixiyey, & golihii wasiirrada ee ONLF argagixiso ku sheegay, wali way ismaahinayaan. Xisaabu harsan!" ayuu yiri.

Shaki la'aan

Qalbi dhagax oo u waramay SSTV ayaa ku adkeystay "shaki ma igaaga jiro in madaxweyne Farmaajo uu bixiyey amarka cadowga laygu gacan geliyay, cidda dafirta waxay marin-habaabineysaa shacabka".

Dowladda Soomaaliya ayuu hoosta ka xariiqay in ay dhowr jeer isku dayday in ay ku qanciso in uu ka dego caasimada isla markaana uu la kulmo madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale.

"Horta Muqdisho igama celin karaan, balse waxaan u sheegay walina ku taaganahay in ay raali gelin furan bixiyaan kadib anigaa tegaya Muqdisho, casuumaad la'aan," ayuu cadeeyay.

Sarkaalkan ka tirsan hogaanka jabhadda xoreynta Ogaadeeniya ayaa laga soo qabtay Gaalkacyo kahor inta aan Muqdisho looga dhoofin Itoobiya bishii August, 2017-kii. Wuxuu xoriyadiisa dib u helay bishii June, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM