Dhimasho ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Beledweyne

Image

BELEDWEYN, Soomaaliya - Mas’uuliyiinta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta ku dhawaaqay dhimashada 8 qof 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle xaafado ka tirsan magaalada.

Duqa magaalada Beledweyn Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegaty in labadii sano ee la soo dhaafay ay magaaladu wajahday daadad xooggan oo sababay in ay dumaan biyo-xireenno dhowr ah.

Waxay intaas ku dartay: "Hay'adaha samafalka waxay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, sidaas darteed, waxaan ka codsanaynaa deeq-bixiyeyaasha inay gargaar bani'aadamnimo oo degdeg ah la soo gaaraan dadka ku barakacay duleedka magaalada."

Gobolo kala duwan oo dalka ah ayaa waxaa ka socda fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah, kuwaasi oo qeyb ka ah cimilada El Nino, fatahaadahaan ayaa waxaa ku dhintay 29 qof, sida ay sheegeen ilo wareedyo ka tirsan dowladda.

Garowe Online

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM