Dhismaha wajiga saddexaad ee jidka Muqdisho iyo Jowhar oo la bilaabayo

Image
Dowladda Qadar ayaa maalgelineyso dhismaha wadadan oo horey ay carqaladeeyeen weeraro argagixiso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah isla markaana ay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare, oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar ee maalgelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwaas oo u huray naftooda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay argagixisada, isla markaana la xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maalgashi, si loo helo maalgashigana ay lagama maarmaan tahay in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada.

Kormeerkan oo Ra’iisul Wasaaraha ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Dowladda Qatar. Mashruucan ayaa ka kooban saddex qeybood oo lagu dhisayo waddooyinka isku xiraya Muqdisho-Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyada oo la soo gabagabeeyey labadii waji ee hore oo isku xireyey Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM