Dhuusamareeb oo gashay xaalad adag ka dib dilalkii ka dhacay

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh kadib markii labo nin oo ganacsato ah lagu dilay aanooyin qabiil, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Dhacdadan ayaa maanta xiisad guud ka dhalisay magaalada, halka tobaneeyo qof ay bannaanbax ka dhigeen, iyagoo ka dayriyay dhacdadan, waxayna dalbadeen in si degdeg ah lagu soo xiro kuwii ka dambeeyay falkan.

Xarumihii ganacsiga ayaan maanta albaabadooda furin, iyadoo laga cabsi qabo xaaladda amni oo sii xumaaneysa ee caasimaddda maamulka Galmudug.

Mas’uulin, culimo iyo nabadoonno ayaa jeediyay baaqyo lagu doonayo in hoos loo dhigo colaadda u dhaxeysa beelaha walaalaha ah.

Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa wali sii wada baadi-goobka dadkii ka dambeeyay dilka Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM