Dhuusamareeb oo gashay xaalad adag ka dib dilalkii ka dhacay

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh kadib markii labo nin oo ganacsato ah lagu dilay aanooyin qabiil, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Dhacdadan ayaa maanta xiisad guud ka dhalisay magaalada, halka tobaneeyo qof ay bannaanbax ka dhigeen, iyagoo ka dayriyay dhacdadan, waxayna dalbadeen in si degdeg ah lagu soo xiro kuwii ka dambeeyay falkan.

Xarumihii ganacsiga ayaan maanta albaabadooda furin, iyadoo laga cabsi qabo xaaladda amni oo sii xumaaneysa ee caasimaddda maamulka Galmudug.

Mas’uulin, culimo iyo nabadoonno ayaa jeediyay baaqyo lagu doonayo in hoos loo dhigo colaadda u dhaxeysa beelaha walaalaha ah.

Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa wali sii wada baadi-goobka dadkii ka dambeeyay dilka Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM