Soomaaliya: Dib u dhac ku yimid dhageysiga Dacwada CC Shakuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyay inuu wakiilnaminadii kala noqday saddex qareen oo u doodayay, isaga oo sharci darro ku tilmaamay dacwadda loo haysto.

Qareenada oo kala ah Tahliil Xaaji Axmed, Cabdikariim Maxamed Axmed iyo Amina Xaaji Axmed ayaa lagu wargeliyay in wixii maanta ka dambeeya aysan Cabdiraxmaan uga wakiil noqon karin kiiska loo haysto.

Warqad uu maanta soo saarey CC Shakuur ayaa lagu wargeliyay Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir inuu wakaaladda qareenimo kala laabtay saddexda qareen.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan qareennadaasi ku matalin dacwada uu soo cusboonaysiiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, oo uu sharci darro ku tilmaamay.

Dhanka kale, Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dhageysiga Dacwada loo haysto CC Shakuur, kadib markii qareenadii matalayay kalsoonida lagala noqday islamarkaana aysan haysan wax wakaalad ah.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu xaqijiyay in dacawada dib loo mudeeyay maalinta Arbacada ah, 3-da bisha January ee sanadka cusub 2018-ka.

Lama oga inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu tagi doono Maxkamadda, maadaama uu gebi ahaanba kasoo horjeedo in kiiskiisa dib loo soo celiyo, maadaama ay go'aan ka gaartay 21-kii bishan Maxkamadda gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM