Dib u dhac mar kale ku yimid howlihii doorashooyinka Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Iyadda oo uu sii kordhayo walaac ka imaanaya siyaasiyiinta iyo bulshadda, howlihii doorashooyinka Galmudug ayaa mar kale dib loo dhigay muddo todobaad ah.

Mas'uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in baaqashadda ay la xiriirto xalinta tabashooyin jira.

Qancinta Ahlu Sunna iyo bulshooyinka Cadaado ayaa kamid ah waxyaabaha loo aanaynayo dib u dhigista oo timid iyadda oo lasoo bandhigay liiska odayaasha xulaya Xildhibaanada cusub.

Sidda ku cad jadwalka rasmiga ah, bishan December ayuu qorshuhu ahaa in loo guda galo geedi u socodka lagu soo dooranayo gudoonka baarlamaanka iyo hogaanka Madaxtooyadda.

Ahlu Sunna ayaa dooneysa in la siiyo kala bar xubnaha xeer-dejinta, taas oo qayb ka ah heshiis ay ku wareejisay ammaanka magaaladda Dhuusamareeb, caasimada dowlad goboleedkaas.

Cadaado oo sheegtay in odayaasha xukuumadda soo bandhigtay aanu cidna ku metelin ayaa diyaar u ah wada hadal lagu dhameeyo cabashooda oo ay kamid tahay maqaamka magaalada.

Kadib midowgii Ahlu Sunna iyo Galmudug, Cadaado ayaa loo aqoonsaday xarunta baarlamaanka maamulkaas.

Walwalka siyaasiyiinta ay kamid yihiin murashaxiinta mucaaradka ayaa kordhay markii dowladda ciidamo Itoobiyaan ah u daabushay Dhuusamareeb oo ay ka qabsoomeyso doorashadda.

Inta lagu guda jiro muddo todobaadka ah ee dib loo dhigay coddeynta, xukuumadda iyo Ahlu Sunna ayaa lagu wadaa in ay wada hadalo yeesheen kadibna gaaraan is-afgarad.

Doorashadda Galmudug ayaa udub u dhaxaad u ah coddeynta guud ee dalka ka qabsoomeysa sanadka soo aadan 2020-21, wallow aanan wali heshiis ah laga gaarin nooca ay noqon doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM