Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Image
Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa maanta caasimadda Muqdisho ku daahfuray Kulanka Wadatashiga Dowlad Goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ee dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga.

Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa khudbaddiisa waxaa uu uga hadlay ahmiyada nidaamka, isaga oo carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay in ay gaarsiiso dalka oo dhan.

"Nidaamkan waxaa uu muhiim u yahay dalkan oo muddo soo burbursanaa, oo qofku waxa uu yahay aanu caddeyn, adduunkana ma jirto meel aan qofka loo abtirin karin, qofkana waxaa abtiris u ah aqoonsigiisa," ayuu yiri.

Waxa uu ku daray hadalkiisa: “Barnaamijkan caasimadda ayuu yaalay, maanta waxaa wadatashiga la bilaabay si gobollada u gaaro waa fursad danta qaranka iyo umadda Soomaaliyeed u wanaagsan, waxaana la heli doonaa kaarar la qaadanayo, shaqo, iyo hab lagu kala ogaanayo dambiilaha iyo dadka kale".

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM